Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagawaa oo shiraa’id ku qabtay magaalada cadaado ayaa sheegay in janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ku sugan cadaado aysan ka maamul ahaan kala hadlin arimo la xiriira dhax dhaxaadinta ahlu suunna iyo maamulkooda.
Wasiir Masagawaa ayaa sheegay in aysan jirin heshiis dhexmaray Dowladd Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca islamarkaana hadalka maanta kasoo yeeray Galaal uu yahay mid aan waxba ka jirin.
Sidoo kale Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagawaa ayaa sheegay in Jeneraal Galaal uusan fasax ka heysanin labada maamul in uu dhex-dhaxaadiyo balse aysan haatan jirin heshiis dhexmaray Galmudug iyo Ahlusuna.
Dhanka kale Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagawaa ayaa sheegay in uusan jirin amarka kasoo baxay madaxweynaha Galmudug oo Ciidamo galmudug ah loogu fasaxay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Mareer-gur ee Gobolka Galgaduud islamarkaana dagaalkaas uu dhexmaray Maamulka Ahlusuna iyo Ciidamo deegaanka ah.
Janaraal Maxamad Nuur Galaal oo kamid ahaa Saraakiishii hor e ee Dowladii Dhexe ee Soomaliya ayaa sheegay in labada madaxweyne ee Galmudug iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca ay mabda’ahaan isku raaceen in la mideeyo labada maamul isla markaana uu madaxweyne u noqdo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

