Kulanka oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Golaha Shacabka ayaa waxaa goob-joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Muxammad Sh,Cumaan Jawari iyo Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka #Mudane Cabdi-wali Ibraahim Sh.Muudey ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii loo dardar galin lahaa howlaha Guddiga hor-yaala ee la xariirta Dib-U-Eegista Dastuurka oo ah Muhiimada koowaad ee Guddiga loo igmaday.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin la shaqaynta Guddiga waxayna sidoo kale shegtay in horay ay gacan uga gaystayn ka shaqaynta Dastuurka hadda ay diyaar u yihiin sidii looga shaqayn lahaa.
Ugu danbayntii waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Muxammad Sh.Cumanaan Jawaari oo la dardaarmay Guddiga kuna booriyay Muhiimada ay leeyahay howsha ay hayaan.






