Doorashadii Ku-xigeenka Golaha Wakiilada Somali-land oo Dib Loo Dhigay

0

Waxaa dib u dhac uu ku yimid fadhigii golaha wakiilada Somaliland ee saaka loogu balansanaa in lagu doorto gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha wakiilada maamulkaas oo ay u sharaxan yihiin xildhibaano badan.

Sababta uu kulanka u baaqday ayaa lagu sheegay in kooramkii loogu talagalay kulanka oo soo buuxsami waayo.

Xildhibaanada saaka golaha  soo xaadiray ayaa tiradoodu dhamayd todoba iyo labaatan (27) xildhibaan.

Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaana ku wargeliyay xildhibaanadii fadhiga saaka ka soo xaadiray in uu goluhu fasaxyahay ilaa maalinta Arbacada ee soo socota.

Maalintii shalay ahayd ayaa xoghayaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaq Siciid Ayaale ku wargeliyay xildhibaanada in bari la dooran doono gudoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha wakiilada.

Dhanka kale waxaa wali taagan khilaafkii ka dhashay doorashada gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo ay xildhibaanadu ukala qayb sameen laba garab oo garabna gudoomiye-nimo u aqoonsan yihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) halka garabka kalana gudoomiye-nimo u aqoonsanyihiin Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here