Dowladda Federaaka Soomaliya ayaa war kasoo saartay Mowqifkeeda ku aadan xiisadda siyaasadeed ee Dowladd Goboleedka Hir-shabelle.
Dowladda ayaa taageertay go’aankii dhawaan ay gaareen xildhibaanada Baarlamanka maamulkaas ee xilka loogu tuurey Madaxweynihii Hore ee Hir-shabeelle Cali C/laahi osoble.
Waxay ku baaqday Dowladda in muddo 30-bari gudahooda lagu doorto madaxweynaha Cusub ee Dowladda goboleedka Hir-shabelle.


