Ciidamada Ethopia oo Xir-xirey Odoyaasha Magaaladda Buuhoodle

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Buuhoodle ayaa ku waramaya in Ciidamada Ethopia ay xabsiga dhigeen 30 ka mid ah Odoyaasha kala duwan ee buuhoodle gaar ahaan Odoyaasha labada beelood ee shalay dagaalamay.

Ciidamada Ethopia ayaa xabsiyadoooda ku xirey  odoyaasha waxayna ku eedeeyeen Odoyaashan inay iyagu dadka madaxa isku geliyeen oo dagaalka faraha ka laabtaeen dhalibyaradana isku sii daayeeen.

Waxaa ay sidoo kale Sheegeen in Somaliland ay iyadu hubka isugu dhiibayso beelaha oo ku daawanayso dhiiga daadanaya, Madaxda u Joogta buuboodle iyo kuwa Puntland ba ka yimid.

Dhinaca kale waxaa gaaray Magalaada Saacidihii u dambeeyey ergooyin nabadeed oo ka ka kala socda Laascaanood Kalabaydh Widh Widh iyo Gol Janno kuwasi oo diyaar u ah in ay xaliyaan colaada kasoo cusboonaatay Magaaladda Buuhoodle.

Ciidamada Ethopianka ayaa Saaka Magaalada oo dhan haysta waxaa ay ku dhex wareegayaan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada qofkii ay qori ku arkaana way ka qaadayaan, sida ay inoo sheegeen dadka halkaas ku sugan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here