Akhriso:-Qoraalkii uu Soo Saaray Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur

0

Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ku-xigeenkii hogaamiyihii Xarakada Al-shabaab ayaa maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Muqtaar Roobow ayaa sheegay in uu ka baxay Al-shabaab oo uu ka Tirsanaa muddo 5sano iyo 7bilood ah, islamarkaana uu haatan wada-hadal kula jiro Dowladda federaalka Soomaliya.

Halkaan Ka Akhriso Hadalka Muqtaar Roobow

Mukhtaar Roobow wuxuu yiri “Anigoo ah Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kana mid ahaa asaasayaashii Alshabaab, soona noqday ku xigeenkii madaxa Alshabaab waxaan u cadeynaya dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo dhan qodobada soo socda:-

1- In aan ka baxay xubina ka aheyn Alshabaab muddo 5sano iyo 7bilood ah, sababta aan uga baxayna ay tahay kala duwanaan fahan iyo khilaaf caqiido ku qotoma oo ku saabsan arrimo aanan diinta, dadka iyo dalka u adeegaynin.

Markii aan ka tegay kooxda dhowr jeer oo hore waxa ay isku dayeen in ay i dilaan, balse Alxamdulilah waan ka guuleystay

2-Waxaan u mahadcelinaya Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka kaalintii ay ku lahaayeen in Heerkan wax so gaaraan.

3- Waxaan cadeynaya inuu wadahadal noo socdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo aan marti ugu ahay magaalada Muqdisho, Wadahadal kaasna aan ka fileyno natiijo iyo isfahan wax gal noqda Inshallah.

4-Waxaan marlabaad u mahadcelinaya Dowladda Soomaaliyeed , Shacabkeeda iyo Madaxdeeda sida diiran ee la iigu soo dhoweeyay Muqdisho, anaga oo rajo ka qabna inaan u gogol xaarno Nabad waarta.

Wa Billaahi Towfiiq

Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here