Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)-ku-xigeenkii Hogaamiyihii Xarakada Al-shabaab oo dhawaan Dowladda Federaalka Soomaliya isku soo dhiibay ayaa maanta kula hadlay suxufiyiinta magaaladda muqdisho.
Roobow oo suxufiyiinta kula hadlay Royal Place oo u dhow xarunta Habar Khadiijo ayaa sheegay in uu ka baxay Al-shabaab islamarkaana uu codsanayo in ay shacabka Soomaliyeed cafiyaan.
“Waxaana codsanayaa cafis, ka bixisteyda Khilaafka Al-Shabaab ayaa sabab u ah, taasoo ay sababteedu tahay inaysan Al-Shabaab dadka u adeegin, Shan sano ka hor ayaan ka baxay Al-Shabaab, dowladda wada hadal ayaa inoo socdo, waana ka mahad celinayaa shacabka iyo dowladda isoo dhaweeyey”, ayuu yiri Muqtaar Roobow.
Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Al-shabaab iyo ciidamo isaga daacad u ah ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa deegaanka Abal oo ka Tirsan Gobolka Bakool,waxaana dhowr jeer oo hore meelo ku dhow deegaankaas gaaray Al-shabaab, oo la sheegay xitaa in ay ka dalbadeen in uu wada-hadal la furo.
Tan iyo markii dowladda Mareykanka ay shaacisay in ka qaaday xayiraadii lacageed ee saarneyd Abuu Mansuur waxaa kordhay cadaadiska uu kala kulmayo Al-Shabaab.
Abuu Mansuur oo sanadkii 2013 ka tagay Al-shabaab ayaa ku sugnaa deegaanada uu ka soo jeeda ee Bay iyo Bakool, halkaasoo uu ku dhuumaaleysan jiray kuna haystay Ciidamo fara badan oo ay isku hayb yihiin.






