Xarunta Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaliya waxaa maanta ka dhacday doorasho loogu tartamayay buuxinta xubin uu baneeyay C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole), madaxweynihii Hore ee maamulka Puntland oo todobaadkaan ku dhawaaqay in uu ka tagay xubinimadaas.
Shukri Aadan Maxamed, Xasan Cusmaan, C/wali Goonjeex iyo C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku tarmayay kursiga uu baneeyay C/raxmaan Faroole.
CabdulaahiSheekh Ismaciil Fartaag ayaa ku guuleystay in uu buuxiyo booskii uu ka tagay C/raxmaan Faroole ee Gudigda Dib U Eegiata Dastuurka Fadaraalka Soomaalia ee labada aqal Ka kooban.
Wareega labaad ee doorashada ayaa waxaa u soo gudbay Senator Shukri Aadan Maxamed oo heshay 16 cod, halka C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu helay 14 cod, waxaana labadan Musharax ay ku tartamayaan wareega labaad.
Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxweyne ku-xigeenkii Hore ee Maamulka Jubba-land ayaa ku guuleystay kursiga, kaasi oo uu helay codad dhan 24, halka Shukri Aadan ay heshay 22 cod.

