Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ee Koonfurta dalka Soomaliya ayaa ku waramaya in dagaalyahano taabacsan Xarakada Al-shabaab in ay gaareen tuuladda Yaabal oo u dhow deegaanka Abal oo uu ku sugan yahay Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Al-shabaab.
Waxaa la xaqiijiyay in Al-shabaab iyo Ciidamada daacadda u ah Muqtaar Roobow in ay dagaalameen saacado kooban, islamarkaana aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Al-shabaab iyo ciidamo isaga daacad u ah ayaa ku sugan deegaanka Abal oo ka Tirsan Gobolka Bakool,waxaana dhowr jeer oo hore meelo ku dhow deegaankaas gaaray Al-shabaab, oo la sheegay xitaa in ay ka dalbadeen in uu wada-hadal la furo.
Tan iyo markii dowladda Mareykanka ay shaacisay in ka qaaday xayiraadii lacageed ee saarneyd Abuu Mansuur waxaa kordhay cadaadiska uu kala kulmayo Al-Shabaab.
Maamulka Koofur Galbeed Soomaliya ee Gobolada Baay iyo Bakool ayaa horay u xaqiijiyay in Al-Shabaab ay doonayaan inay weeraraan Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Al-shabaab.
Abuu Mansuur oo sanadkii 2013 ka tagay Al-shabaab ayaa ku sugnaa deegaanada uu ka soo jeeda ee Bay iyo Bakool, halkaasoo uu ku dhuumaaleysan jiray kuna haystay Ciidamo fara badan oo ay isku hayb yihiin.

