Al-shabaab oo Weerar Ku Qaaday Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ee Koonfurta dalka Soomaliya ayaa ku waramaya in dagaalyahano taabacsan Xarakada Al-shabaab in ay gaareen tuuladda Yaabal oo u dhow deegaanka Abal  oo uu ku sugan yahay Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Al-shabaab.

Waxaa la xaqiijiyay in Al-shabaab iyo Ciidamada daacadda u ah Muqtaar Roobow in ay dagaalameen saacado kooban, islamarkaana aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Al-shabaab iyo ciidamo isaga daacad u ah ayaa ku sugan deegaanka Abal oo ka Tirsan Gobolka Bakool,waxaana dhowr jeer oo hore meelo ku dhow deegaankaas gaaray Al-shabaab, oo la sheegay xitaa in ay ka dalbadeen in uu wada-hadal la furo.

Tan iyo markii dowladda Mareykanka ay shaacisay in ka qaaday xayiraadii lacageed ee saarneyd Abuu Mansuur waxaa kordhay cadaadiska uu kala kulmayo Al-Shabaab.

Maamulka Koofur Galbeed Soomaliya ee Gobolada Baay iyo Bakool ayaa horay u xaqiijiyay in Al-Shabaab ay doonayaan inay weeraraan Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Al-shabaab.

Abuu Mansuur oo sanadkii 2013 ka tagay Al-shabaab ayaa ku sugnaa deegaanada uu ka soo jeeda ee Bay iyo Bakool, halkaasoo uu ku dhuumaaleysan jiray kuna haystay Ciidamo fara badan oo ay isku hayb yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here