Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab in ay madaafiic ku gaaraaceen Saldhig Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Maamulka Jubba-land ay ku leeyihiin deegaanka Buulo-gaduud oo 30-KM Woqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo.
Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Maamulka Jubba-land ayaa xaqiijiyay in dhowr hoobiye ay ku dhaceen saldhiga deegaankaas ku yaala islamarkaana ay geysteen qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa maamulka Jubba-land.
Inta la xaqiijiyay 3-askari oo ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa ku dhintay Madaafiicda ay Al-shabaab ku gaaraaceen deegaanka Buulo-gaduud oo 30-KM Woqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo.
Dhowr jeer oo hore dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa madaafiic ku garaacay deegaanka Buulo-gaduud oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya, kuwa maamulka Jubba-land iyo Ciidamada Kenya ee qeybta ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaliya.

