Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa maanta kulan ku leh Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa maanta soo afjari doona go’aan ka gaarista dooda la xiriirta xil heynta Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaliya C/raxmaan Xoosh jibriill kaasi oo dhowrkii todobaad aynu soo dhaafnay Xildhibaanada ay ka doodayeen xil heyntiisa.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ku kala qeybsamay arrinta Wasiir Xoosh, kaddib markii uu todobaadkii hore hor imaan waayay Baarlamaanka Soomaliya.
Dhanka kale Labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magaaladda Muqdisho ka socday kulamo iyo olole lagu xalinayay xiisada u dhaxeysa Baarlamaanka iyo Wasiir Xoosh, waxaana arinta soo faragaliyay Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo iyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre.
Arbacadii aynu soo dhaafnay ayaa lagu waday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya In ay go’aan ka gaaraan arinta wasiirka balse kooram la’aanta kulanka soo wajahay ayaa sababtay in kulanka loo dhigo ilaa maanta oo Sabtida ah.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in olole iyo dadaalo ay sameeyeen madaxda dowladda lagu guuleystay in la xaliyo xiisada, isla markaana kulanka maanta uu noqon doono mid Wasiir Xoosh ku hor-yimaada Baarlamaanka, su’aalana lagu weydiiyo,islamarkaana wasiirka uu bixiyo raaligalin uu siinayo Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya.

