War Deg Deg:-Baarlamanka Soomaliya oo Go’aan Ka Gaaray Arinta Wasiir Xoosh

0

Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa aqbalay raali gelin uu bixiyay wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil iyagoo sidoo kale u fasaxay in uu sii wato howlihiisa shaqo.

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa kulan ku yeeshay saakay xarunta golaha shacabka ajandaha kulanka ayaa ahaa go’aaan ka gaarista xil heynta wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ku kala qeybsamay  dhawaan arrinta Wasiir Xoosh, kaddib markii uu todobaadkii hore hor imaan waayay Baarlamaanka Soomaliya.

Arbacadii aynu soo dhaafnay ayaa lagu waday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya In ay go’aan ka gaaraan arinta wasiirka balse kooram la’aanta kulanka soo wajahay ayaa sababtay in kulanka loo dhigo ilaa maanta oo Sabtida ah.

wasiirka Dastuurka XFS  C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa dhawaan ka hor yimid go’aanka Baarlamanka Soomaliya ay ka qaateen kuraasta 8-da aheyd ee dhawaan maxkamdda Sare ee dalka ay sheegtay in lagu laaban doono doorashadooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here