Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in xildhibaanada Hir shabeele ay ku gacan siinayaan sidii loo badali lahaa Madaxweynaha Hir shabeele una dooran lahayeen Madaxweyne kale oo cusub.
Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya islamarkaana kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaliya ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii xilka loogu tuuri lahaa Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osobole oo uu sheegay in uu ku fashilmay hogaaminta maamulkaas.
Waxa uu Sheegay Xxildhibaan Khaliif oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya in Madaxweyne Osoble uu si awood ah u adeegsanayo hogaaminta maamulka hir-shabeelle, islamarkaana uu kasoo horjeedo awood qeybsiga ay wax ku lahaadeen shacabka reer hiiraan.
“Anaga Kama soo horjeedo Maamulka Hir-shabeelle jiritaankiisa,anaga waxaa diidanahay hogaaminta Madaxweynaha maamulka hir-shabeelle oo ku caan baxay in uu kala geeyo shacabka reer Hiiraan, isagaa hortaagaan hormarka Hir-shabeelle, Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya waxa ay xildhibaanada Hir-shabeelle ku gacan siin doonaan sidii loo badali lahaa Madaxweyne osoble”, ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

