Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirada Ireland iyo Czech Republic

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay safiirada Dowladaha Ireland iyo Czech Republic oo ay u soo magacaabeen Soomaaliya.

Safiiradan cusub oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Aqalka Madaxtooyada Cali Baashi Cabdullaahi Cabdi.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda oo ay ku talaabsanayso Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here