Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land ayaa ku waramaya in qarax loo adeegsaday gaari in uu magaaladas ka dhacay.
Sida goob-joogayaal ay sheegeen qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada maamulka, iyadoo Qaraxa kadib halkaa laga maqlay rasaasxoogan oo aan la ogeyn cida rideysa.
Warar soo baxaya ayaa shegaa in bartilmaameedka qraxa uu ahaa goob Maqaaxi ah oo xiligaa ay ku sugnaayen dad shacab ah oo halkaa ku qaxweynaayay.
dadka Maqaaxida ku sugnaa ayaa isugu jiray Odayaal, dhalinyaro iyo ciidamo kuwaa oo inta badan noqday kuwo dhintay iyo kuwa dhaawacmay.
Goobta uu qaraxa ka dhacayw axa gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa maamulka jubba-land.

