Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay munaasabad lagu daah furayay dib u howlgelinta kuliyadda cilmiga warbaahinta yo saxaafadda ee jaamacadda Umadda aya siweyn uga hadlay arrimo ay kamid yihiin dowrka shacabka Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan hanaanka Dowladnimo.
Mudane Xasan Cali Kahyer ayaa ugu horeyn sheegey in jaamacadda Umadda ay waxbarasho lacag la’aan ah ay siiso 2500 oo dhalinyaro ah mana ah taasi oo uu ku tilmamaay in ay tahay rajadii Dowladnimo oo dib u soo noolaanaysa.
“Haddii aadan dalkaada caawin Karin, askari wax u qaban karin’ xoog iyo shaqo, hadii aadan ahayn in aad u dhimato qaranimada, ugu yaraan waa in aadan dalkaada dhibaataynin”, Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre.
Waxaa uu ka hadlay sida ay shacabku uga qeyb qaadan karaan horumarinta hanaanka Dowladnimo.
“ Waxaa la joogaa waqtigii Dowladnimada loo gacan gelin lahaa shacabka waa laga gudabay in madax ama siyaasi kaliya uu dadka wax u yeeriyo ,in laga wada hadlo mustaqbal umadda Soomaaliyeed waa muhiim’ ganacsato, siyaasiin ilaa bulshada, waa in laga wada qeyb qaataa dhismaha mustaqbalka iyo dowladanimada”, Raiisul wasaare Kahyre ayaa sidaasi kayiri xafladda.
Sidoo kale wuxuu sheegy in Dowladdu ay ku dadaalayso sidii dhalinyarada Soomaaliyeed oo %75 ah mushtamaca Soomaaliyeed gacanta loogu gelin lahaa waxyaabihii xaqa ay u lahaayeen, taasi bedelkeedina ay ogaadaan ayaguna in xuquuq lagu leeyahay.
“Mudane Khayre”, Waa in colaadda lagu badalo nabad, khilaafka midnimo, Danta gaarka ahna laga horumariyo danta guud, kalsooni xumidana is aaminaad lagu bedelo:
Goobta waxaa ku sugnaa wasiirka warfafinta Wasiir kuxigeenka waxbarashada, xildhibaano, iyo mas’uuliyiinta maamulka Jaamacadda umadda kuwaasi oo ka codsaday mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta in ay mataaneeyeen kuliyadda cilmiga warbaahinta iyo saxaafadda ee jamaacadda Umadda iyo wasaaradda.

