Akhriso:-Khilaaf Ka Dashay Isku Shaandheynta Golaha Wasiiradda Koonfur Galbeed

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka koonfur galbeed Soomaliya ayaa ku waramaya  in dib loo digay  in Isku-shaandheyn lagu samey lahaaa  Golaha Wasiirada Ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaaliya.

Madaxweynaha Dowladd goboleedka koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh Shiikh aadan ayaa maanta lagu waday In uu inuu Isku-shaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiiradda Koofur Galbeed,waxaana Talaabadaas ka dhashay Khilaaf Sababay in isku-shaandheynta ay dib u dhacdo.

ilo lagu kalsoonan karo ayaa sheegay in  Beelaha qaar ay  ka biyo diideen  Isku-shaandheynta kadib markii Madaxweyne Shariif Xasan uu yareeyay Tirada Wasiirada oo markii hore ahaa 64 Xubnood,balse hadda ka dhigay 24 Wasiir.

Sidoo kale Beelaha deeganada koonfur galbeed Soomaliya  ayaa sheegay in ay ka  soo horjeedaan in ay waayaan Wasiiradii ay ku lahaayeen Maamul Goboleedka Koofur Galbeed,iyadoo sababtay in dib loo dhigo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here