Akhriso:-Tahriibayaal Soomalia ah oo Ku Dhintay Xeebaha Dalka Turki-ga

0

5 caruur ah iyo labo haween ah ayaa ku dhintay kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ku quustay xeebaha gobalka Izmir ee dalka turkiga taa oo siday 18 qufood oo ku wajahnaa dalka Greeka iyagoo socdaalkoodu uu ku sii wajahnaa dalal kale oo dhaca qaarda yurub.

9-qufood oo saddex soomaali ah iyo muwaadiniin u kala dhashay  dalalka Iraq iyo Syria ay kamid yihiin ayaa laga soo badbaadiyay doonta kuwaa oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo isbitaal dhaca Gobalka Izmir ee dalka Turkiga,kadib markii howlgal badbaadin ah ay u sameeyeen ilaalalda xeebaha dalkaasi turkiga.

Kooxahii ka dambeeyay  tahriibinta dadkan  ayaa baxsaday ka hor   inta doontu aysan quusin  iyadoo police-ku ay sheegeen in ay ugaarsanaayn kuwii ka dambeeyay falkan tahriibinta sharci darrada,waxaana police-ku ay sheegeen in baadi goob loogu jiro dad kale oo wali la’la yahay kuwaa oo laga baadi goobayo heeraraha doontu ay ku qalibmatay.

Sida ay daabaceen ilaalada xeebaha turkiga in ka badan 7,000 oo qof oo qaxooti soomaaliyeed ay kamid yihiin ayaa ku socdaalay xeebaha turkiga si ay u gaaraan qarada yurub balse intii lagu guda jiray todobadii bilood ee ugu horeesay sanadkan 2017 waxaa ku dhintay 20 qufood xeebaha dalka turkiga intii ay ku guda jireen  socdaalkooda tahriibka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here