Al-shabaab oo Afduubtay Gaari Loogu Ololeynayey Madaxweynaha Kenya

0

Dagaalyahano loogu shakisan yahay Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in ay qafaaheen  gaadiid loogu ololeynayey xisbiga Jubilee oo uu u sharaxan yahay madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta.

Falkaan ayaa ka dhacay deegaanka falana oo ku yaala waqooyiga magaalada Mandhera ee dalka Kenya,waxaana ilaa haatan la la’ yahay darawalkii gaariga waday iyo qaar kamid ah dadkii saarnaa gaariga.

Taliyaha ciidamada Booliiska waqooyiga Mandhera Charles Chacha  ayaa sheegay in Afduubkan uu dhacay gelinkii dambe ee shalay, islamarkaana ay uga shakisan yihiin iney afduubteen Al-shabaab.

Sidoo kale taliyaha Magaalada Madheere Taliye Chacha ayaa sheegay in ciidamada Booliiska Kenya ay wadaan howlgallo ay ku baadigoobayaan gaarigan la qafaashay iyo dadka la socdey.

Afduubkaan ayaa kusoo beegmaya xili dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay sheegeen in ay dili doonaan ci walba oo ka qeyb qaadata doorashada dalka Kenya ka dhacaysa sanadkaan 2017-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here