Shirkada DP World oo La Wareegaysa Dekadda Baraawe+Sawirro

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan oo Safar ku jooga magaalada Abu Dubai ee dalka Isuta Imaaraadka Carabta ayaa kula la qaatay Madaxda Ugu Sareysa Ee Shirkada DP world Oo laga leeyahay Dalka imaaraadka Carabta Isagoo Kala Hadlay Arimaha Maalgashi Ee Dekedaha Maamulka Koonfur Galbeed

Kulanka madaxweynaha iyo Madaxda Ugu Sareysa Ee Shirkada DP world Oo Laga Leeyahay Dalka imaaraadka Carabta ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii Dowladda Imaaraadka carabta ay dib u dhis ugu sameyn laheyn Dekadda iyo Garoonka Diyaarada Magaalada Baraawe Caasiamdda Maamulka koonfur Galbed Soomaliya.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Sooamaliya ay soo dhaweynayso maalgashi lagu sameeyo Dekadaha iyo Garoomada Maamulkaas oo xiligas laga dareemayo burbur.

Arintaan ayaa burinaysa Go’aankii dhawaan  kasoo baxay Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Sooomaliya ee ku aadanaa in Maamul Goboleedyadda aysan heshiis la gali Karin Dowladaha Shisheeye.

Maamulka Koonfur Galeed Soomaliya ayaa noqonaya maamulkii sedexaad ee heshiis la galo Shirkada Dp world Oo Laga Leeyahay Dalka Imaaraadka Carabtahorey waxaa heshiisyo ula galay Maamulka Somali-land iyo Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here