Haybe:-“Hawada Soomaliya Muqdisho iyo Hargeysa Midna Lagama Xukumo”,

0

Wasiirka duulista hawada ee Somaliland Faarax Aadan Haybe  oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay diyaaradaha dowladda Qatar po adeegsanaya hawada Maamulakaas, xili shalay laga xanibay.

Wasiirka ayaa sheegay in ahwada Somali-land in aan Laga Xukumin magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho islamarkaana ay Somali-land la socota in hawadeeda ay diyaaradaha Dowladda Qatar ay isticmaalaan.

“Hawada Soomaaliay inta lagu heshiinayo waxaa Xukunta ICOA, Muqdishona lagama xukumo Hargeysana lagama xukumo, Nairobi baa laga xukuma Hay’adda ICOA ee Qaramada midoobey baa maamusha,System bay leedahy wasaarada duulista ee Somaliland, diyaarad kasta waxaan heyna Registration numberkeeda , nooceeda, calanka ay wadato , halkay ka timi iyo halkay ku socoto,Marka Qadar Airways diyaaradaheeda waa la socona , Rootka ay maraana wa la socona, waana isticmaalayaan hawadeena iminka, intaan la socono, kuwii u danbeyay saakay”, ayuu yiri wasiirka duulista hawada ee Somaliland.

Hadalka Wasiirka duulista hawada ee Somaliland Faarax Aadan Haybe ayaa kusoo beegmaya xili shalay Golaha wasiiradda Maamulkaas ay sheegeen in hawada Somali-land aysan isticmaalin Karin Diyaaradah Dowladda Qatar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here