Xiriirka Kubadda Cagta ee Aduunka ee FIFA oo Ka Hadlay Arinta Qatar

0

Xiriirka kubadda Cagta ee Aduunka ee FIFA,  ayaa ka hadlay   arrinta Qadar, aysan saameyn ku yeelan doonin koobka aduunka ee 2022-ka oo Qadar martigelin doonto.

Madaxweynaha Xiriirka FIFA Gianni Infantino  oo la hadlayey wargeysada Le matin Dimanche iyo Sonnntagszeitung oo labaduba kasoo baxa Switzerland, waxaa uu yiri ma filayo in xaalada diblumaasiyadeed ay khatar ku tahay koobka aduunka 2022.

Dowladda Qadar ayaa hore loogu qorsheeyay in koobka aduunka lagu qabto 2022-ka , waxaana hada dalkaasi ka socda diyaargarow weyn, koobka ayaa lagu muddeeyey in Qadar lagu ciyaaro inta u dhexeysa 21-November illaa 8 December 2022.

Qadar waxaa uu qorshuhu yahay in sanadkan ay ka dhacaan 72 tartamo ciyaaro ah, 39ka mid ah tartamadaasi waa kuwo heer caalami ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here