Wasiirka Socdaalka iyo Soogalootiga Canada Axmed Huseen ayaa qudhiisa qeyb ka ahaa ogeysiis ay sameeyeenaayeen Hay”addaha Hormarinta Caalamiga ah iyo arrimaha gargaarka ee Canada laga leeyahay ee loo yaqaano International Development Relief Foundation, GlobalMedic iyo xildhibaanada Somali Canadianka ah ee xubnaha ka ah baarlamaanka dalkaasi,iyagoo doonayey in ay shaaciyaan halka ay mareyso xaalada sii xumaaneyso ee abaarta ka jirta Soomaaliya.
“Ilaa iyo sedex sano Soomaaliya waxaa ka jirto xaalad cakiran oo abaaro baahsan ah, abaarahaasi oo sababay in guud ahaan dalka dalag laga beeran waayo, ilaa iyo 20 million oo ruux ayaa naftooda ku waayey abaarta ku dhufatay wadamada Somalia, Kenya, South Sudan iyo Ethiopia, oo dhamaantood dhaca geeska Afrika, ilaa iyo 600,000 oo caruur ah oo wadamaasi ku noolna waxay halis ugu jiraan in ay u geeriyoodaan nafaqo darro” sidaasi waxaa yiri Rahul Singh oo ah agaasimaha Hay”adda GlobalMedic’s.
“Abaartaan Soo laa laabatay ayaa waxa ay sabab u noqotay in la waayo biyo nadiif ah oo la cabo, iyadoo cuduro ay ka dilaaceen goobaha biyaha wasaqeesan laga cabo”ayuu hadalkiisa sii raacsaday Rahul Singh.
Hay’addahaan ayaa wada qorsho ay ku isugu keenayaan qalab caafimaad iyo gargaar kale oo ay in mudo ah soo aruurinaayeen, iyagoo doonayo in ay soomaaliya usoo diraan.
Wasiirka Socdaalka iyo soogalootiga Canada Axmed Huseen oo asal ahaantiisa soomaali ah ayaa sheegay in gargaarkaan ay soo aruuriyeen hay”adahA Canada laga leeyahayay muujineyso sida Canada ay deeqsi u tahay markastana u jeceshahay in ay gargaarto dhibanayaasha.
Wasiiirka ayaa ugu dambeyntii sheegay in markii ay soo gabagabeeyaan arruurinta gargaarka ay dhawaan Soomaaliya usoo diri doonaan.

