Wafdi Ka Socda Sacuudiga iyo Imaaratka Carabta oo Ku Wajahan Hargeysa

0

Wafdi ka socda dowlada Isutaga Imaaratka Carbta Iyo Dowlada Saudi Arabia ayaa lagu wadaa in ay gaaraan Maamulka Somaliland si ay taageero ugu muujiyaan maamulkaasi oo la dhinac ah dalalka khaliijka ee xiriirka u jaray dowlada Qatar sida ku cad war martiyeed shalay ka soo baxay wasaarada arimaha dibada maamulka gooni isuytaaga ee Somalialand.

Dowlada Isutaga Imaaratka Carabta ayaa la filayaa in ay dardar geliso dhismaha Dekadda magaalada Berbera oo dowlada federalka Soomaaliya ay aad kaga xun tahay iyadoo ka faa’ideysaneysa taageerada ay muujiyeen maamulka Somaliland oo qaadatay go’aan ka duwan kan dowlada federalka soomaaliya ay ka leedahay siyaasadda iyo xasaradaha ka aloosan dalalka khaleej-ka iyo Qatar waxaana dowlada soomaaliya horay ay u sheegtay in dhax-dhaxaad ka tahay xasaradaha siyaasadeed ee ka aloosan dowladaha khaleej-ka.

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa horay ugu tilmaamatay mid sharci darro ah dhismaha ay bilowday shirkadda DP-World ee laga leeyahay Isutaga Imaarat-ka Carabta iyadoo xildhibaanada golaha shacabka soomaaliyeed arinkaasi ay si dhab ah ugu soo horjeesteen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here