Safiirka soomaliya ee dalka Sacuudiga Amb Daahir Maxamud Geelle ayaa xaqiijiyay in Dowladda Sacuudiga wafdi usoo dirtay magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaliya si Dowladda Soomaliya ugu dhaaciyeen in xiriirka ay u jarto Dowladda Qatar.
Safiirka ayaa tilmaamay in Dowlada Soomaliya iyo wafdigii ka socday Dowladda Sacuudi Arabi ay isku garan waayeen waxyaabihii la doonayay, islamarkaana Dowladda Soomaliya ay go’aan ku gaartay in aan xiriirka loo jarin dowladda Qatar taasi badalkeena laga shaqeeo nabadeenta wadamada Khaliifka oo haatan u muujda in ay dagaal kula jiraan dowladda Qatar.
Hadalka Safiirka Soomaliya ee Dalka Sacuudiga Geelle ayaa kusoo beegmaya xili Dowladda Sacuudi Arabia ay diiday in ay dhaqaalo siiso wadanka Soomaliya, iyadoo sharuuf ugu dhigto dhaqaalo siinta in xiriirka loo jaro Dowladda Qatar.
ilo lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in Dowladda Sacuudi Arabia ay diiday in ay bixiso dhaqaalo loogu Talagalay Dowladda Federaalka Soomaliya oo horey ay u balan-qaaday, sababta ka dambeysa ayaa lagu sheegay arintaas in sacuudiga uu doonayo in Soomaliya ay xiririka u jarto Dowladda Qatar oo haatan wajahaysa cadaadis kaga imaanaya qaar kamid ah wadamada Carabta.

