Kheyre:-“Ciidamaada Ha Ixtiramaan Shacabka Soomaliyeed”,+Dhageyso

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo la hadlayay Ciidamo uu kula afuray Muqdisho  ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in iyadoo bil Ramadaan tahay in wadooyinka Magaalada ay madaxda kula afuraan Ciidamda qaranka Soomaliyeed.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan caawa idiin nimid oo idinla afurnay, in yadoo ay ramadaantahay oo aad ogtihiin taariikhada magaalada Muqdisho, aan jidadka banaanka meel ka mid ah aan ku afurayno anagoo madaxdii qaranka ah, runtii waa wax ilaahay loogu mahadnaqo”, ayuu yiri Raisulwasaare Kheyre.

Sidoo kale Raisulwasaaraha ayaa ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamada qalabka sida, soo sheega meeshii aad wax ka dareentaan.

“Ciidamada waxaan leeyahay  ammniga waxaad u sugaysan waa dadkiina waa shacabkiina, marka aad shacabka guryahooda tegaysaan aad ha la oo ixtiraamo, laakiin dadka Soomaaliyeed kuligeen waxaa inagu waajib ah inaan jid walba usoo baxno,inaan ciidamada la afurno, inaan garab istaagno,inaan markay socdaan biyaha iyo caanaha ka daba qaadno, sababto ah ammni la’aan waa horumar la’aan”.ayuu yiri Kheyre.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here