Madoobe:-Caalamka Daacad Kama aha Dagaalka Al-shabaab”,+Dhageyo

0

Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga universal ayaa sheegay in wadamada Caalamka ee taageera Soomaliya aysan daacad ka aheyn taageernimadooda ay siiyaan Soomaliya islamarkaana aysan doonaynin in Soomaliya ay nabad noqoto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in  wadamad ataageera Soomaliya aysan sidoo kale daacad u aheyn dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab,islamarkaana magaalada Kismaayo Maamulka Jubba-land  uu ku sugan muddo 6-sano ah taasina ay cadeyn u tahay in aan daacad loo aheyn dagaalka Al-shabaab iyo nabad Soomaliya.

“Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo oo kismaayo yimid waxaa kawada wadalnay sidii loo teyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed, Magaalada kismaayo waxaa ku sugan Ciidamo ka socda Kuwa AMISOM, Sanad walba isbadal ayaa lagu sameeyeen, Maamulka jubba-land waxaa xarun KMG u ah Muddo 6-sano ah Magaalada Kismaayo, Soomaliya waxaa dagaal kaga dambeeyay wadamo badan oo afrikaan oo haatan nabad haysta,dowladaha Mareykanka iyo ingririiska daacad kama aha dagaalka lagula jiro Al-shabab iyo nabad Soomaliya”,ayuu yiri Madaxweynaha Mamulka Jubba-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here