Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA Jeneraal /llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ay u baahan tahay in laga dhigo meel nabad islamarkaana ka caagan wax walba oo dhibaato u keeni kara.
“Magaaladaan kama rabno Tuute, qori dabajeex ah, gaari cabdi bile ordaya, ciidan socda, meeshana xero dagaal ma ahan, waa caasimadi, weji caasimad inay yeelato oo dadka si nabad oo kalsooni ku jirta ay ku maraan, cid loogu tuurayo ma jirto, ha weynaado ama ha yaraado”, ayuu yiri taliye Sanbaloolshe.
Sidoo kale Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA Jeneraal /llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in Hay’adaha amniga aysan u hakan doonin shaqsiyaadka is hor istaaga ku sameynaya hub ka dhigista, islamarkaana go’aaanka hub ka dhigista uu kasoo baxay Golaah wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

