Iyadoo dhibaatooyin kala duwan lagula kaco tahriibayaasha soomaaliyeed ee doonaya in dhanka badda Mediterranean-ka ay kaga talaabaan dalalka Khaarada Europe kuwaa oo sii mara saxaraha Libya ayaa madax furasho ahaan waxaa u qabsada rag ka ganacsada tahriibinta dadka oo lagu magaacabo magafayaal ahna shabakad isku xiran oo soomaaliya ilaa Libya ka howlgasha.
Kooxaha magafayaasha ayaa isku mid ula dhaqma tahribayaasha soo gaara saxaraha Libiya iyagoo ixtiraama kaliya qofka durbadiiba lacagta shuba halka tahribayaasha kale ee aan waxba heysan la jirdilo iyagoo xerxeran laguna diro maska loo yaqaano jibisada halka dumarkana ay la kulmaan faraxumeyn ay u geestaan kooxaha ka ganacsada tahriibinta dadka.
Raggas waxaa kamid ah nin suudaani ah oo la shaqeeya kooxahaasi waxaana ragga soomaalida ah magacyadooda lagu soo koobay Liibaan,C/casiis iyo Ajalam oo ah nin ku sugan magaalada Burco ee maamulka Somaliland(waana ninka garka weyn).
Dhanka kale safiirka soomaaliya u fadhiya dalka Libiya Amb kaalmooy ayaa ugu baaqady dhalinyarada soomaaliyeed ee naftooda haligaya in safarkaas saxaraha libiya ay ka baaqsadaan isagoo sheegay in uu juhdi iyo waqti ay ku bixin doonto safaarada sidii loo samata bixin lahaa dhibanayasha soomaaliyeed ee ku sugan saxaraha Libiya kuwaa oo la heystayaal u ah kooxaha magafayaasha.
Safiirka ayaa tilmaamay in soomalida la shaqeysa kooxahaasi laga taqalusi doono isagoo ku baaqay in qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed in arinkaasi ay kala qeyb qaataan waxaana uu tilmaamay in kooxahaasi ajaanibta ah aan waxba laga qaban Karin maadaama dowlada Libiya ay tahay mid burbursan.

