Xukuumadda Somaliland ayaa ishor‐istaagtay inuu ka dhoofo Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulkaas siyaasiga wayn ee Ismaaciil Hure Buubaa Oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland oo hadana ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee waddani.
Siyaasiga wayn ee Ismaaciil Hure Buubaa ayaa ku wajahnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, balse waxaa arintaan ka hor istaagay ciidanka Laanta Socdaalku ee garoonka Hargeysa diideen inuu dalka ka baxo.
Siyaasi Buubaa oo warbaahinta la hadlay markii sidaas lagula kacay ayaa sheegay mid jid‐gooyo ah oo aan la aqbali Karin madaama oo aanu ilaa hadda garanayn sabab loogu diido inuu dalka ka dhoofo.
”Waxa aan u arkaa arinkaasi mid jid‐gooyo ah oon aan aad uga xumay,saaka waxaana doonayay inaan dalka ka dhoofo aniga oo ku siijeeda magaalada Nairobi oo hawlo aniga ii gaar ah aan u tagayay,waxaanan leeyahay arintaasi waa mid aan munaasibaahayn in ay In hor istagaan ciidanka laanta socdaalka ee madaarka Hargeysa”,sidaas ayaa uu yiri ismaaciil hurre buubaa
Sidoo kale Ismaaciil Hure Buubaaayaa sheegay in masuuliyiinta Somaliland dhamaantood ay sitaan baasaaboorka somaliya dalkana dhamaantooda kaga dhoofaan.

