Akhriso:-“Maamulka Gobolka Banaadir Ma Maxkamadd Dadka Lagu Xukumaa”,!

0

Ciidamada amaanka degmada Shibis ee Gobolka banaadir ayaa gacanta ku dhigay wadaad ku nool gudaha degmadas oo lagu eedeeyay in uu galmo sharci darro ah ilmo kaga dhalay haweeney uu quraan ku daweynayey.

Goobta ninkaan wadaadka lagu bandhigay waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, iyo kan Degmada Shibis waxaana loogu mahadceliyay Laamaha amniga sida ay ugu guuleysteen soo qabashada wadadaadkaan.

Masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ee dowladda Soomaliya  ayaa maxakamad ku saaray wadaad ku nool degmada Shibis isla goobtii ay ku soo qabteen ,waxay sheegeen inuu galmo sharci darro ah ilmo kaga dhalay gabadh uu quraan ku daweynayey .

Wadaadka oo ay gacanta hayaan maamulka gobolka Banaadir iyo haweenay ka mid ah ehelada gabadha la sheegay inay dhibane tahay ayaa goobtii warbaahinta kula hadlay midkastaba wuxuu wadaadka ku eedeeyay inuu yahay dambiile khiyaano sameeyey.

Ninkaan ayaa dhowr bilood ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar kadib markii lagu eedeeyay in uu galmo si sharcidaro ah ilmo kaga dhalay hooyo Soomaliyeed uu qur’aan uu saari jirey, balse cadeymo kadib waxay maxkamadda ay fasaxday ninkaan iyadoo sheegtay in uusan laheyn wax dambi ah.

Balse Su’aasha  isweydiinta mudan oo dadka ay isweydiinayaa ayaa ah  cida Xukunta dadka Maamulka Gobolka banaadiraa mise Maxkamadda Sare.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here