Haweeney Soomaliyeed oo Lagu Weeraray Gobalka Ohio+Sawirro

0

Weerar lagu qaaday haweeney soomaaliyeed oo ku nool gobalka Ohio ee dalka Mareykanka xili la joogay waqtiga afurka  ee dalkaasi kaa oo ay fuliyeen dambiilayaal uu  ku fogaaday islaam naceybka ayaa sababtay dhaawacyo soo gaaray haweeney soomaaliyeed  oo wali magaceeda aan la soo bandhigan.

Haweyneedan soomaaliyeed oo ay jir dileen xagjiriin Americaan ah ayaa la dhigay isbitaalka waxaana dhaawacyo xoogan ay ka soo gaareen qeybaha hore ee jirkeeda oo hal iligna laga jibiyay kadib markii ay ka hor istaagtay kooxahaasi in ay dhibaataayeen isla haweeney kale oo soomaaliyeed oo ku nool magaalada Coloumbous ee dalka Mareykanka.

Bulshada soomaaliyeed ee ku nool gobalka Ohio ee dalka mareykanka ayaa si weyn u cambaareeyay weerarka lagu dhibaateeyay haweenka soomaaliyeed iyagoo xusay in Police-ka Coloumbus ay aqoonsadeen dambiilaha falkan geystay balse ilaa imika aan la soo xirin, waxaana ay  codsadeen  in  cadaalada la waafajiyo cidii weerarkasi fulisay loo baahanyhaya cadaalad.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here