Al-shabaab oo Laga Cabsi in ay La Wareegaan Goof gaduud+Dhageyso

0

Maaamulka degaanka goof gaduud ee duleedka magalada beydhabo ayaa sheegay ciidamo katirsan Xarakada Al-shabaab in ay dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan Degaano iyo dagmooyin hoos taga  gobalka bay.

Gudoomiyaha  deeganka goof-gaduud Xasan Xasanow isaaq oo la hadlay idaacada Simba aya sheegay in Al-shabaab kaga cabsi qabaan in ay kala wareegaan deegaanka maa daama habeenkii inta badan ay roondo kasameyaan ciidamo shabaabka taabacsn meel aa saas kaga fogeyn degaanka goof-gadud ee gobalka bay.

Gudoomiyaha  oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan inta tabartooda ah ayna ka dalbanayaan mamulka koonfur galbeed Soomaliya  in ay sanad iyo ciidan intaba lasoo garab is taagaan.

Deegaanka Goof Gaduud ayaa waxaa dhowr jeer oo hore  ka dhacay dagaalo u dhaxeeya ciidamada maamulka koofur-galbeyd oo gacan ka helaya ciidamada ethopia iyo kuwa dagaalamayaasha  Xarakada Alshabaab , waxaana marar badan gacan ku heynta deegaankaas uu ahaa mid is bed-bedelayay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here