Akhriso:-Puntland oo Xukuno Ku Riday Eedeeysanayal Ka Ganacsanayay Qamri

0

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa  xukun ku riday sideed rag ah iyo qof dumar ah oo dhawaan lagusoo qabtay iyagoo gacmaha kulajiray Qamri, kadib howlgal ciidamadu ay ka sameeyeen Garowe gudaheeda iyo bannaankeeda.

Todobo kamid ah dadkaan maxkamada lasoo taagay ayaa loo haystay Qamri maalintii shalay saraakiisha amnigu kusoo bandhigeen magaalada Garowe, halka labada kalena loo haystay isla Maandooriye kale oo horey ciidamadu usoo qabteen.

ugu horeyntii Garsooraha maxkamada ayaa dhageysiga dacwada kadib, wuxuu labo kamid aheedeesanayaasha ku riday midkiiba shan sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay inay masuul ka yihiin Qamrigaan.

6 kale oo dambigaan ku lug yeeshay ayuu garsooruhu ku xukumay midkiiba lix bilood oo xarig ah Maxkamadu waxay amartay in lasii daayo qofka dumarka ah oo wax dambi ah lagu waayay.

Sidoo kale, maxkamadu waxay hay’adda amniga fartay in la gubo Qamriga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here