War Deg Deg:-Qarax Lagu Dilay Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Kenya

0

Gaari dagaal oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa qarax la dhigay Wadadeeda dhinaceeda waxaa lagu eegtay inta u dhaxeysa tuulooyinka Baure and Milimani oo bariga deegaanka lamu ee dalka Kenya.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 5-saraakiil ah, islamarkaana la la’yahay 2-kale,wuxuuna gaariga Shidaal u doonayay tuulada lagu qarxiyay.

Dadka deegaanka Baure and Milimani ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa si weyn loogu maqlay deegaankaas islamarkaana qasaaraha ugu badan uu soo gaaray Saraakiisha Ciidamada Dowladda Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here