Puntland oo Go’aan Ka Qaadatay Dagaalyahano Daacish ah

0

Puntland  ayaa Xoriyadooda dib ugu celisay Lix nin oo dhawaan  kasoo baxsaday dagaalyahanada kooxda  Daacish, kuwaas oo dhowaan isu soo dhiibay ciidanka Puntland eek u sugan buuraha galgala.

Dagaalyahanadaan ayaa markii ay soo baxsadeen ay Ururka Daacish ku xukuntay Puntland dil toogasho ah, balsewaxa sheegtay in qof kasta oo isa soo dhiiba la cafinayo, isla markaana uu si xor ahu noolaan doono.

Dhalinyarada kaso baxsatay Daacish ee isu soo dhiibay dawlada Puntland, ayaa lagu kalamagacaaba;

­Axmed Maxamuud Axmed oo ku dhashay Hargeysa.

­Faysal Idiris Cilmi oo ku dhashay Boorame.

­Cabdi Salaan Axmed Xaaji Siyaad oo ku dhashay Kuwait

­Cabdi Xakiin Xusseen Xassan oo ku dhashay Muqdisho

­Isaaq Xusseen Cabdi oo ku dhashay Baydhabo.

­Iyo Siciid Cali Bare oo ku dhashay Muqdisho.

Madaxda Puntland ayaa sheegay in dhalinyaro laso baxsatay Kooxdan lagu dilay jidka intii ay kuso jireen oo ay dileen Daacish, balse Lixdaan dhalinyarada ah ay nasiib u yeesheen inay soo galaan gacanta Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here