Xalay xili Saacadda ay ku beegneed (12:00 AM) habeenimo, waxaa garoonka Diyaaradaha aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo Degtay Diyaaradd loo malayno in aheyd kuwa rakaabka.
Guuxa Diyaarada ayay xalay ay maqleen dadka Magaalada muqdisho waxayna tani ay ka dhigan tahay in muddo 26-sano in diyaaradd Rakaab ay ka dagatay Garoonka Diyaaradaha aadan Cadde ee magaalada Muqdisho .
Dhowr habeen xilli saq dhexe ayay diyaarado kala duwan ka dageen garoonka diyaaradaha Muqdisho, qaarkood waxay ahaayeen diyaarado Milateri, oo inta badan hub iyo cunooyin geeya xarunta Xalane ee Magaalada muqdisho.
Horey dhaq dhaqaaqa garoonka Magaalada Muqdisho iyo agagaarkiisa ayaa ahaa mid habeenkii xadidan, oo aanay jirin cid geli karta ama ka bixi karta, waxaa shaqaalaha ka howl gala garoonka ay ka soo rawaxaan galabnimadii.
Balse Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo dhowaan lagu suray nalalka ifiya dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha ayaa la qorsheynayaa inay dhowaan habeenkii shaqo bilaabo, oo diyaaradaha rakaabka ay bilaabaan markii u horeysay oo duulimaad habeenki ah bilowdo muddo 26-sano kadib.




