Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya X Xasan Cali Khayre oo ka hadlay furitaanka dib-u-dhiska Jidka Soddonka ayaa sheegay in dhismaha wadooyinka caasimadda ay ka qayb qaadanayaan xasilinta aminiga Magaalada Muqdisho, isla markaana bilow u tahey in shacabku helaan adeegyadii ay dawlada uga baahnaaayeen sida Caafiimad,Wadooyin iyo Amni.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan dib-usoo-celinta billicda dalka iyo dib-u-dhisida caasimada, iyagoo la kaa shanaya hoggaankooda, Maamulka Gobolka banaadir uu hogaamiyo Taabid way ku mahadsan yihiin Howlaha ay qaranaka u hayaan”,ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre.

