Madaxweynaha Soomaliya iyo Kuwa Maamul Goboleedyadda oo Cadaado Ku Wajahan

0

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) ya saakay ku wajahan magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee maamulka si ay kaga qeyb galaan Caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf).

Dhan kala Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali  Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ayaa ku wajahan magaalada  Cadaado si ay uga qeybgalaan Caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug.

Wafdiga Puntland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas, waxay isugu jiraan Wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil madaxtooyo Puntland ka tirsan.

Madaxda Federaalka oo uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamul goboleedyada, Koonfur Galbeed Soomaliya,Jubba-land,Puntland,Hirshabeelle ayaa dhamaan lagu casumay Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf).

C/wali Gaas ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay Maamulka  Puntland ee Cadaado booqda, waxaa uu socdaalkiisu yahay mid gaar ah oo shacabka labada maamul u muujinaya isbedel siyaasadeed oo dhexmara labada maamul, kaasi oo ku dhisan isqadarin, wadashaqeyn iyo in nabad kuwada noolaansho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here