Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducale Geelle Xaaf oo warbaahinta kula Hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya iyo beesha Caalamka ay ugu baaqeen in uu dib u heshiisiin sameeyo inta uusan soo dhisin Xukuumadiisa.
“Waa ogtihiin bishan waa ramadaan 25beriba waa tagtay, lixdan cisho sidaasi ayeeyba ku baa ba’aysa, waxaan idinka codsanaya intii hore mahane in la iigu daro – kale si aan uga jibo gaarno arrintaasi, hadii aan ka jibo gaari weyno oo waa ka tashan doonaaye.
“Midkalena waa ku daraya golaha wasiiradii hore waa shaqeynayaan, mid walba waxaan usoo jeedinaya inuu deg deg xafiiskiisa u tago shaqona u bilaabaan, dalku ma ahaanayo gobolku wasaarado la’aan,ilaa arrintan ka dhameeyo wasiiro kale laga dhisayo kuwii hore ayaa sii shaqeynaya, idinkana waxa la idinka rabaa wasiirada inaa la xisaabtantaan, inaa meelaha ay joogaan aad ogaataan, inaa ka warqabtaan howsha, dalka masuuliyiinta dhabta ah waa idinka .
