Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka, Iyo Dib-u-hishiisiinta Soomaaliya Abdi Farah Saeed (Juxa) ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug.
Wafdigaan Waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Mohamed Abdi Xaashi(Carabey) Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamanka Maamulka Galmudug Iyo Xubno ka socday Goleyaasha Galmudug.
Waftigaan ayaa hor-dhac u ah Wafti uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo la filayo in ay birri Cadaado gaaraan. Si ay uga qayb-galaan xaflada caleemasaarka Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.






