Maxkamadda Xarakada Al-shabaab ee Gobolka Bay ayaa maanta fulisay Xukun Xadu Rajmi ah ku fulisay Dhaayow maxamed xasan oo 44 sana jir ah kadib markii lagu heley isagoo guur soo maray in uu galay Zino.
Ninkan ayaa laga soo qabtey Degaano Hoostaga degmada Ufurow Bishii shacbaan aynu soo dhaafnay,kadib markii Dacwad ay usoo gudbisteen maxkamada Ehelada Gabar uu kufsadey.
Sida maxkamadu sheegtay Dhaayow oo laba xaasle ahaa ayaa qirtey Damnbiga lagu soo oogey oo ahaa in uu Ka zinaystay Gabar muslimad ah.
Intaasi kadib maxkamadu Xarakada Al-shabaab ee Gobolka Baay waxay dib ubaartey Cafimaadka ninkan waxaana caddaatey in uu Fiyowyahay,sidaasina uu kumuteystey in Xadka laga oofiyo oo dhagax lagu dilo.
Boqolaal dad muslimiin ah ayaa isugusoo baxay Fagaare weyn oo kuyaala deegaanka Raama Caddey ee wilaayada Bay iyo Bakool halkaas oo Ninkan lagu Rajmiyay.

