Magaalada cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug waxaa maanta ka dhacaya xaflada caleemasaarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.
Magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa diyaargarowga Xafladda Caleema-saarka,waxaana saaacadii ugu dambeeyay gaaaray Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax Juxa.
Sidoo kale Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madax maamul goboleedyada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda soo gaaraan Magaalada Cadaado.
Ammaan ayaa aad loo adkeeyey, calanka Qaranka iyo kan Galmudug ayaa ka babanaya wadooyinka magaalada, mashquul ayaa ka muuqda xarunta Madaxtooyada Galmudug.







