Raisulwasaare Kheyre oo Dhagax Dhigay Dhismaha Wadada Sodonka+Sawirro

0

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Fedraalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha Wadada Sodonka ee Gobalka Banaadir oo muda 20 Sano ka badan burbursaneed.

Wadadan oo halbowla u Ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Magaalada Muqdisho ayaa waxey isku xirtaa Degmooyinka Hodan, howl Wadaag iyo Yaaqshid waxaana Maamulka Gobalka Banaadir uu qorsheynaaya in muda kooban lagu soo afjaro dib udhiska wadada Sodonka.

Ugu horeyntii Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Fedraalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kaga mahadceliyay Maamulka gobolka banaadir dadaalka uu ku bixinayo sidii loo dayactiri lahaa wadooyinka Burbursan ee gobolka banaadir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here