Hayadda Maaraynta Hawada Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Diyaarada Turkish Airlines  

0

Diyaarada Turkish Airlines  ee laga leeyahay dalka turky-ga ayaa saakay soo caga dhigatay, Garoonka caalamiga ah ee Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo 3-dii maalin ee lasoo dhaafay, soo dagi waysay, cillado xaga hawada ah awgeed.

Hayadda Maaraynta Hawada Soomaaliya oo war kooban soo saartay ayaa sheegtay In door  adag ay ka  ciyaartay dhanka saadaasha iyo in ay mar kale Turkish Airlines soo caga dhigato Garoonka Aadan Cadde.

Saraakiisha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in diyaarada Turkish Airlines ay u degi weyday dabeylo jira awgeed, isla markaana ay diyaarada ogolaatay kaliya inay ku degto dabeyl u cayiman, sidoo kale waxaa ka mamnuuc ah in diyaarada ay dusha sare magaalada marto.

Maalintii kowaad oo ay ka dagi weysay Garoonka caalamiga ah ee Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxay rakaabka ay ka dajisay  Diyaarada Turkish Airlines garoonka Diyaaradaha Magaalada Djabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here