Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali ”Gaas”, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee caaasimada maamulkaas ayaa sheegay inuus awood u lahayn inuu kordhiyo Tirada Baarlamaanka Puntland, balse uu codsi u gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.
Madaxweyne Gaas ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka qaar ay si qaldan u fasirtaan hadalkii dhawaan kasoo baxay ee ahaa in tiro lagu kordhin doono Golaha wakiilkada Dowladda goboleedka Puntland.
”Awood aan annigu ku kordhiyo Baarlamaanka Puntland annigu ma lihi, codsi baan u diray guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland sirna ma aha, waxaan ka codsaday in qodob ka midah Dastuurka la furo dadka ka maqan ee Cadaalad darada tirsanaya ay helaan Cadaalad iyo matalaad shacab, waan u gudbiyay guddoomiyaha Baarlamaanka dee awoodaasi Cabdi Welikuma xirna ee Baarlamaanka ayay ku xiran tahay” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in laga maarmi karo in la kordhiyo Baarlamaanka Puntland oo Puntland ay sanadka 2019ka galayso Doorasho qof iyo cod ah waa siduu hadalka u dhigee.

