Doon Kaluumeysi oo Laga Lahaa Dalka Iiraan oo La Afduubtay

0

Wararka ka imaanaya Xeebaha Deegaanka Xaabo ee Gobolka Gardafuu- Puntland ayaa ku waramaya in dhalinyaro kaluumaysato  ah ay afduubteen Dooni Kaluumeysi oo Laga lahaa Dalka Iiraan.

Nabadoon Aadan Siciid Xayle oo Kamid ah waxgaradka Deegaanka  Xaabo ee Gobolka Gardafuu- Puntland ayaa warbaahinta deeganada Puntland u sheegay in Doontaasi ay qafaasheen Dhalinyaro Kaluumeysato Ah.

Warar Kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Burcaddu Doonta Ku dhex dishay Nin Kamid Ahaa Shaqlihii Doonta.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here