Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab in uu ka socdo deegaanka NO50 ee Gobolkaas.
Maamulka Deegaanka NO50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu bilowday kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaliya ay howlgalo ka sameeyeen xaafado hoos yimaada deegaanka No50, islamarkaana iska caabin kala kulmeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.
Wuxuu sidoo kale Maamulka Deegaanka NO50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose uu sheegay in xaafadaha Howlgalka laga sameeyay qaarkooda lagu hayay dhaawacyadda dagaalhayanada Xarakada Al-shabaab dowladana ay arintaas la socotay.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Deegaanka NO50 ee Gobolka Shabeelaha.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

