Wararka ka imaanaya Xeebaha Deegaanka Xaabo ee Gobolka Gardafuu- Puntland ayaa ku waramaya in dhalinyaro kaluumaysato ah ay afduubteen Dooni Kaluumeysi oo Laga lahaa Dalka Iiraan.
Nabadoon Aadan Siciid Xayle oo Kamid ah waxgaradka Deegaanka Xaabo ee Gobolka Gardafuu- Puntland ayaa warbaahinta deeganada Puntland u sheegay in Doontaasi ay qafaasheen Dhalinyaro Kaluumeysato Ah.
Warar Kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Burcaddu Doonta Ku dhex dishay Nin Kamid Ahaa Shaqlihii Doonta.

